|
Jabuuti (insidesomalia.org) - Sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka helay dalka Jabuuti waxaa socda qorashayaal la doonayo in la isugu keeno Madaxda Isbahaysiga dib u xogeynta Soomaaliya ee uu soo dhexgalay khilaafka xoogan.
Wararkan ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kala hogaaminaya garabyada Isbahaysiga ee ku kala sugan Jabuuti iyo Eritrea lagu wado in la isa soo horfariisiyo.
Qorshahaan ayaa waxaa wada Culumo iyo aqoonyahano kale oo Soomaaliyeed, kuwaasoo sheegay in ay dadaalkooda damacsan yihiin inuu noqdo mid miro dhal ah, dhawaanna la isku geynayo labada Mas'uul.
Mas'uuliyiinta ka tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa sheegay in dadaalkaan uu socday toddobaadyadii ugu dambeeyay, la isuguna geynayo dal ka mid ah kuwa Afrika.
"Si dhab ah looma shaacin dalka la isugu geynayo labada Mas'uul, waxayse u badan tahay sida ay warar hoose sheegayaan dalka Libya, halkaasoo ay aqbaleen labada Mas'uulba" .
Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xogeynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay dib ugu laabtay dalka Jabuuti ayaa ka dhawaajiyay in ay socdaan dadaalo lagu dhexdhexaadinayo Isbahaysiga.
|